Sunday, October 02, 2016

Islaamka iyo Dumarka Maxaa Kala Haysta?



Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) Hay'ada culumada Soomaaliyeed ayaa maanta walaac ka muujisay qoondada 30% ah ee Haweenka ay ku leeyihiin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka Somalia, gaara haan Saamiga kuraasta Baarlamaanka la dhisi doono dhawaan.

Shir jaraa'id oo ay haya'dda culummadu ku qabteen Muqdisho, ayay ku sheegeen inay tahay in si siman Rag iyo Dumarba loogu Tartamo Kuraasta Aqallada Sare iyo Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, intii cid gaar ah meel loogu xiri lahaa kuraas gaar ah.

“Inagu ummad Islaam ah baanu nahay, wax walba oo la sameynayo waxaan doonaynaa inaan u fiirino arrintan maxay diinta Islaamku ka qabtaan. Diinta Islaamku Haweenku qorshe ayay ugu talo-gashay… Waa warshad soo saarta bani’aadamka, waxay tarbiyeeyaan madaxda, Hawl gaar ah ayayna leeyihiin, in siyaaadda meelaha sare ay ka galaanna looguma talo-gelin,” sidaa waxaa yiri Afhayeenka hay’adda Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Qorshaha Haweenka loogu sameeyay qoondada gaarka ah kuwo ay wataan kooxo dano gaar ahaaneed leh oo raba inay innaga na dumiyaan.

Mar la weydiiyay afhayeenka, inay xaq u leeyihiin haweenka inay kuraas ka helaan baarlamaanka si ay u helaan cid ku metesha ayuu ku jawaabay. “Iyaga uma kala soocna; Baarlamaan, Madaxweyne iyo Wasiir. Haweenka waan aragnay waxay sheegeen in ay rabaan illaa madaxweyne waxaadna mooddaa inaysan sharciga eegayn.”

Sheekh Nuur Baaruud ayaa intaas ku daray. “Marka la eego Arrinta la xiriirta Baarlamaanka… Mid Annagu waan ka gaabsan lahayn Haddii ay Sameeyaan. Haddii ay Baarlamaanka u soo galaan sida ay Raggu ugu Tartamayaan oo ay u soo galaan, weliba iyagoo aqoon u leh, da’dooduna horay u badatay, ayna baarlamanaka gudihiisa anshaxa ku ilaaliyaan. Balse waxay leeyihiin innagu ragga ayaan la mid nahay.”

Afhayeenka, ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su’aal ahayd; Dhaqanka Soomaalida inuusan u saamaxeyn inay Baarlamanka Federaalka u soo Tartamaan ayaa laga yaabaa, marka maxaad ku diidaysaan in 30% kuraasta baarlamananka loo banneeyo haweenka, wuxuuna ku jawaabay.

“Bulshada in la khasbo bulshada oo haddii dhaqankii diiday la yiraahdo waa la idinku qasbayaa, halkee ku qoran tahay, Dastuurkee ayayse ku qoran tahay. wadamada gaalada iyagu dadkooda ma qasbnaan oo qoondooyin gaar ah ma u sameeyeen haweenkooda. Marka waxaan Waddamadooda ka jirin in innagoo ah muslim ay nagu qasbaan waxay diideen, taasna waxaan u ragnaa xaq-darro iyo dulmi.”

Ugu dambeyn, Hay’adda Culummada Soomaaliyeed ayaa waxay Dhanka kale ka digeen in la Musuq-maasuqo doorashooyinka la filayo inay dhawaan dalka ka dhacaan, iyagoo ku baaqay in mas’uuliyiin lasoo dooranayo lagu soo doorto aqoon iyo karti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: